Khamiis 15 Oct 2026 {HMC} Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed gaar ahaan Ururka 161-aad ee Guutada 16-aad Danab ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyey deegaanno badan oo ku yaalla aagga isku xira Gobollada Bay iyo Shabeellaha Hoose, oo ay ka mid yihiin deegaannada Kabo, Hirig, Leego iyo deegaanno kale oo ku teedsan aaggaas.
Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee ciidanka Danab ugu jiraan sugidda amniga, la dagaallanka Khawaarijta iyo xaqiijinta nabadgelyada shacabka ku nool deegaannadaas.

