Xildhibaanno ka tirsan Aqalka Sare oo ka qeyb galay Shirka Baarlamaannada Adduunka ee COP31 ee Türkiye.

Isniin 16 Nov 2026 {HMC} Sanatar Samsam Daahir Maxamuud iyo Sanatar Saciid Cabdi Xuseen Cawke oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa ka qeyb galay Kulanka Baarlamaannada Adduunka ee Ururka IPU, kaas oo qeyb ka ah Shirka Caalamiga ah ee Isbeddelka Cimilada COP31, laguna qabtay magaalada Antalya ee dalka Türkiye.

Kulanka oo ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen Ururka Baarlamaannada Adduunka (IPU) iyo Baarlamaanka Qaranka ee Türkiye, ayaa waxaa isugu yimid xildhibaanno ka kala socda dalal badan oo caalamka ah, kuwaas oo ka arrinsanaya doorka baarlamaannada ee la-dagaallanka isbeddelka cimilada, xoojinta tallaabooyinka wax looga qabanayo saameyntiisa iyo horumarinta iskaashiga caalamiga ah.

Kulankan ayaa muhiimad gaar ah u leh xoojinta doorka baarlamaannada ee dejinta sharciyada, kormeerka siyaasadaha iyo taageeridda dadaallada lagu ilaalinayo deegaanka, laguna wajahayo caqabadaha ka dhasha isbeddelka cimilada.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgalka Moora-hagar ku Dilay Horjooge AS u Qaabilsanaa Baadda Shacabka.

Isniin 16 Nov 2026 {HMC} Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen duleedka deegaanka Moora-hagar degmada Xudur ku khaarajiyay horjooge Mustaf...