Sabti 14 Nov 2026 {HMC} Hoggaamiye ku-xigeenka Hirshabeelle Mudane Cabdifataax Xasan Afrax ayaa kulan kula qaatay hooyga uu ka deggan yahay magaalada Beledweyne wafdi ka socda Dowladda Dhexe ee uu horkacayey Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XJFS Mudane Daahir Shire.
Waxaa wehliyey Agaasimayaasha Hay’addaha Daqliga iyo Maalgashiga ee Dowladda Soomaaliya.
Salaan iyo is xog-wareysi kaddib dhinacyada ayaa gorfeeyay dardargelinta howlaha hortebinta u leh bulshada iyo dhinacyada ay tahay in diirrada la saaro.
Kulanka ayaa lagu falanqeeyay sida looga gudbi lahaa xaaladdaha taagan iyadoo loo marayo hannaan wada-haddal iyo is-faham.
Hoggaamiye ku-xigeenka Hirshabeelle ayaa kaga mahadceliyay masuuliyiinta garab istaaga iyo sida ay kaga go’an tahay in Hirshabeelle ay guulleysato.


