Baraawe, 14-ka Nofeembar 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xarigga ka jaray warshadda soo saarta ogsijiinta caafimaadka ee Isbitaalka Guud ee Degmada Baraawe, taas oo door muhiim ah ka qaadan doonta horumarinta adeegyada caafimaadka iyo daryeelka bukaannada ku nool Magaalada Baraawe iyo deegaannada hoosyimaada.
Warshaddan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo helitaanka ogsijiinta, gaar ahaan bukaannada u baahan daryeelka degdegga ah iyo kuwa qaba xaaladaha caafimaad ee u baahan taageerada neefsashada. Hirgelinta warshaddan ayaa sidoo kale gacan ka geysan doonta kor u qaadista awoodda Isbitaalka Guud ee Baraawe ee bixinta adeegyo caafimaad oo tayo leh.
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa mudnaan gaar ah siinaya horumarinta adeegyada bulshada, gaar ahaan caafimaadka, si loo helo adeegyo caafimaad oo la isku halleyn karo, loona yareeyo caqabadaha ay bulshada kala kulmaan helitaanka daryeelka caafimaadka.
Dowladda Koonfur Galbeed ayaa ka go’an xoojinta kaabeyaasha caafimaadka, horumarinta xarumaha caafimaadka iyo hirgelinta mashaariic wax ku ool ah oo kor u qaadaya tayada Nolosha bulshada ku dhaqan deegaannada kala duwan ee Dowladda Koonfur Galbeed.
Warshaddan ogsijiinta caafimaadka ayaa la filayaa inay wax weyn ka tari doonto baahida ogsijiinta ee Isbitaalka Guud ee Magaalada Baraawe, iyadoo qayb ka noqonaysa dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka ee caasimadda Dowladda Koonfur Galbeed iyo deegaannada hoos yimaada.
Munaasabada xarigjarka Hoggaamiyaha waxaa ku wehlinayey Wasiiro ka tirsan Dowladda oo uu ugu horeeyo Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabduqaadir Shariif Shekhuna Maye.


