Madaxweynaha Jubaland oo Booqday Saldhigyada Ciidanka Daraawiishta ee Jubbada Hoose.

Jimco 6 Nov 2026 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa booqasho ku tagay deegaannada Miido, Harboole iyo Biibi ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo uu kormeer ku sameeyay saldhigyada ay ku sugan yihiin Ciidanka Daraawiishta Jubaland.

Madaxweynaha ayaa kormeerka waxaa ku wehliyay Taliyaha Guud ee Ciidanka Daraawiishta Jubaland, Janaraal Ismaaciil Saxardiid, saraakiil ka tirsan ciidamada iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Jubaland.

Booqashadan ayaa qayb ka ahayd kormeerka Madaxweynaha ee ciidamada ku sugan deegaannadaas

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ugu baaqay Wada-hadal iyo Midnimo Qaran.

Jimco 6 Nov 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug kaga qayb galay munaasabad casho...