Jimco 6 Nov 2026 {HMC} Nithya Raman oo ah garabka xisbiga Dimuqraadiga ee Socialist-ga ayaa ka adkaatay duqa magaalada Los Angeles Karen Bass oo iyaduna ah Dimuqraadi. Waxa ay noqoneysaa markii ugu horreysay ee Los Angeles ee Duq magaalo oo xafiiska jooga looga adkaado doorasho tan iyo 2005-tii.
Raman ayaa heshay 52.1% codadkii dadweynaha halka duqa magaalada Karen Bass ay iyana heshay 47.9%. Raman ayaa waxa ay isku koox yihiin Duqa magaalada New York, Zohran Mandani. Garabkan ayaa Koongareeska xubno badan ku yeeshay iyagoo hadda maamulka magaalooyin waaweyn sida New York, Los Angeles, Seattle, iyo caasimadda Washington DC.

