Elon Musk oo Waji-gabax Kala Kulmay Doorashadii ka dhacday Mareykanka, Lacagtiisii oo Fashilantay.

Arbaco 4 Nov 2026 {HMC} Hal qof oo ay dhaheen shacabka Mareykanka, waxaad tahay ‘doqon’, waa Elon Musk, oo si kibir badan isugu dayay inuu Xisbiga Jamhuuriga ka caawiyo inuu haysto awoodda Congress-ka.

Wuxuu bixiyay 474 milyan oo doollar, si uu u taageero musharraxiinta Jamhuuriga, balse dhammaantood kuma guuleysan. Haddana Xisbiga Jamhuuriga ee uu taageerayay ayaa Musk ku daray sababaha ay u guuldarreysteen, iyagoo tusaale u soo qaadanaya guuldarradii amakaagga lahayd ee Jamhuuriga ka soo gaartay gobolka Texas.

Elon Musk wuxuu in ka badan 200 milyan oo doollar ku taageeray Ken Paxton, oo u tartamayay kursiga gobolka Texas ee Aqalka Senate-ka Mareykanka, balse musharraxan waxaa si fudud uga adkaaday musharraxii ka socday Xisbiga Dimuqraadiga, James Talarico. Guushan waxay Xisbiga Dimuqraadiga siisay 32 sano ka dib inay guul ka gaaraan gobolka Texas.

Intaas kuma ekaan carada shacabka Texas ee ka dhalatay kibirka Musk,waxay sidoo kale gobolka oo muddo dheer Jamhuurigu maamulayay u rogeen Dimuqraadi, waxaana xitaa xilka guddoomiyaha gobolka ku guuleystay musharraxa Xisbiga Dimuqraadiga. Taasi waxay ahayd mid ka mid ah guulihii ugu muhiimsanaa ee Dimuqraadiyiintu ka gaareen doorashadii shalay dhacday.

Waxaa kaloo Musk uu ceeb kala kulmay gobolka Ohio, waxaana halkaas ku guuleystay Dimuqraadiyiinta. Intaas oo keliya ma aha, isku daygii uu Ilhaan Cumar kula dagaallamayay iyo dadaalladii uu ku hor istaagayay in Soomaalida iyo Muslimiintu ku soo baxaan doorashada dhammaantood ma aysan u hirgelin sidii uu doonayay.

Sidaas ayuu Musk ku noqday doqonka doorashada. Bulshada Mareykanka ayaa sidoo kale ku tiri; lacag waa cunis, codkuna waa dimuqraadiga.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

{DAAWO SAWIRADA} Duqa Baladweyne oo kormeeray Mashaariic horumarineed oo ka socoto Magaalada.

Khamiis 5 Nov 2026 {HMC} Duqa Magaalada Beledweyne, Marwo Nadar Tabaax Maalin, ayaa kormeer rasmi ah ku tagtay dhismaha iyo fulinta mashaariic kala duwan...