Jimc 30 Oct 2026 {HMC} Ciidanka Kumaandooska DANAB ayaa howlgallo amni oo ka dhan ah Khawaarijta ka wada deegaannada Leego, Jameeco iyo nawaaxiga waddada isku xirta Wanlaweyn iyo Buurhakaba.
Howlgallada ayaa lagu sheegay in lagu fashiliyey qorshayaal lagu carqaladeyn lahaa isku socodka shacabka iyo gaadiidka, iyadoo ciidamadu ay sii wadaan howlgalada lagu xaqiijinayo amniga. See less

