Arbaco 28 Oct 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Israiil Benjamin Netanyahu, ayaa ku baaqay in la dhiso dowlad qaran oo xooggan oo garabka midig ah, isaga oo ka digay in dalka lagu hoggaamiyo dowlad ku tiirsan xisbiyada Carabta ee ka soo horjeeda Sahyuuniyadda.
Waxa uu sidoo kale dhaliilay siyaasiyiin iyo warbaahin uu ku eedeeyay inay caadi ka dhigayaan fikradda ah in dowlad lagu dhiso taageerada xisbiyada Carabta.
Dhanka kale, Netanyahu ayaa u mahadceliyay malaayiinta Israaiil’yiinta ah ee uu sheegay inay kalsoonida siiyeen, isaga oo xusay in ISRL ay wajahdo fursad taariikhi ah oo kooban oo ay wax kaga qaban karto khatarta Iran, isaga oo arrintaas la xiriiriyay iskaashiga Mareykanka.
Hadalladan ayaa imanaya xilli ay Israaiil ka taagan tahay loollan siyaasadeed oo ku saabsan natiijada doorashada iyo cidda awoodda u yeelanaysa dhismaha dowladda cusub.

