Talaado 13 October 2026 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa kulan muhiim ah la qaatay Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka.
Kulanka oo uu ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista iyo casriyeynta Hindise-Sharciyeedka Sharciga Ciqaabta Soomaaliya,oo horyaalla Golaha, si uu ula jaanqaado isbeddellada bulsho, dhaqaale iyo teknoolojiyadeed ee dalka ka dhacay, ugana jawaabo noocyada cusub ee dembiyada, gaar ahaan kuwa la xiriira teknoolojiyadda iyo nidaamyada macluumaadka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) Ayaa sheegay in Casriyeynta Sharciga Ciqaabtu uu yahay tallaabo muhiim u ah xoojinta caddaaladda, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, sugidda amniga iyo kala dambeynta bulshada, iyo sidoo kale dhismaha nidaam sharciyeed oo waafaqsan baahiyaha Soomaaliyada maanta iyo mustaqbalka.

