Talaado 13 October 2026 {HMC} Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, ayaa dhanka kale, warbixin faahfaahsan usoo jeedisay golaha oo ku shaacisay soo celinta nidaamka code-kii Soomaaliya ee IATA, ee lagu maamulo Tikidhada diyaaradaha, nidaamkan oo ah xuquuq weyn oo usoo laabatay dalka.
Nidaamkan ayaa muhiim u ah awoodda Soomaaliya ee maareynta iyo nidaaminta adeegyada tigidhada duulimaadyada, gaar ahaan hab-raacyada tigidhada iyo xiriirka nidaamyada safarada caalamiga ah, si loo adkeeyo maamulka iyo tayada adeegyada Duulista Rayidka ee dalka, shacabkana loogu soo celiyo xuquuqo ka maqnaa.

