Arbaco 13-October, 2026 {HMC} Dowladda Deegaanka Soomaalida ayaa markii u horreysey faahfaahin ka bixisey ciidamadii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee galay xadka DDS, iyada oo Hoggaanka Nabadgelyada DDS, Cabdulqaadir Rashiid uu qoray
“Waxaan bulshada la wadaagaynaa xog ku saabsan ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya oo bilihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Jigjiga, kuwaas oo la sheegay inay fasax ku socdeen, isla markaana xadka Itoobiya ku soo galay hab aan waafaqsanayn nidaamka iyo habraacyada sharciga ah.
Ciidamadaasi ma aysan wadan caddeymo ku filan oo lagu xaqiijinayo ujeeddada safarkooda, waxayna ku yimaadeen kooxo kala duwan, taas oo keentay baahida loo qabo xaqiijin iyo hubin rasmi ah.
Sida la wada ogsoon yahay, dowladuhu waxay leeyihiin hannaan sharci iyo habraacyo diblomaasiyadeed oo lagu maareeyo xaaladaha noocan oo kale ah. Arrintan waxaa socda wadahadallo u dhexeeya labada dowladood, waxaana la filayaa in xal rasmi ah laga gaadho dhawaan.
Dhanka kale, waxaan bulshada ugu baaqaynaa inay ka digtoonaadaan wararka aan la xaqiijin iyo xogaha been-abuurka ah ee arrintan laga faafinayo, kana fogaadaan faafinta war kasta oo abuuri kara jahawareer ama walaac aan loo baahnayn.”

