Maxamed Azraq Al-Fanjari oo kamid ah saraakiisha sar sare ee kooxda RSF ayaa isaga baxay kooxdaasi.

Khamiis 8 October 2026 {HMC} Maxamed Azraq Al-Fanjari oo kamid ah saraakiisha sar sare ee kooxda RSF ayaa isaga baxay kooxdaasi, wuxuuna isu dhiibay dowladda Suudaan

Gaashaanle Dhexe Maxamed Azraq Al-Fanjari oo ah taliyaha cutubka howlgalada gaarka ah ee kooxda RSF ayaa ku dhawaaqay inuu ka isaga tagay kooxdaasi, isla markaana uu ka tanaasulay dhammaan xilalkiisii militari ee maleeshiyadaasi.

Wuxuu sheegay inuu doortay nabadda, isagoo iska fogeeyay xadgudub kasta oo loo geystay dadka rayidka ah.
Bayaan muuqaal ah oo la baahiyay ayuu Al-Fanjari ugu baaqay saaxiibadiisa hubka wali wada ee ka tirsan RSF inay dib u eegaan mowqifkooda, ayna dowladioda usoo laabtaan, isla markaana ay garab istaagaan Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan.

Al-Fanjari sidoo kale wuxuu sheegay inuusan wax lug ah ku lahayn xadgudub kasta oo loo geystay shacabka, ha ahaato naftooda, hantidooda ama sharaftooda, isagoo raalli-gelin u diray qoysaska Suudaaniyiinta ah ee dagaalku waxyeellda u geystay, laga barakiciyo guryahooda ama ay waayaan eheladooda.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeye Soomaaliya Caalamka. 10-8-2026.

Khamiis 8 Oct 2026 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii Ugu Dambeye Soomaaliya Caalamka ee Warbaahinta HMC Somali TV. HOOS KA DAAWO WARARKII UGU...