El Alamein, 4 Oct 2026 {HMC} 1. Iyadoo laga jawaabayo martiqaadkii uu Mudane Cabdifataax Al-Siisi, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, u fidiyey Mudane Isaias Afwerki, Madaxweynaha Dowladda Eritrea; Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; iyo Jeneraal Cabdifataax Al-Burhaan, Guddoomiyaha Golaha Madaxbannaanida Ku-meelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Suudaan, madaxweynayaashu waxay maanta, 4 Oktoobar 2026, shir-madaxeed afargeesood ah ku yeesheen magaalada cusub ee El Alamein.
Waxay yeesheen wadatashiyo mug lehoo ku dhisan walaaltinnimo, kuwaas oo ku saabsanaa arrimaha gobolka iyo kuwa caalamka ee taagan, iyo sidoo kale siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga siyaasadda, ganacsiga iyo dhaqaalaha ee afarta dal, laguna adkayn karo wadatashiga iyo isku-duwidda dhexdooda.
2. Shir-madaxeedku wuxuu ka hadlay baahida loo qabo dhowrista mabaadi’da iyo tiirarka aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah, kuwaas oo saldhig u ah xasilloonida iyo iskaashiga gobolka; gaar ahaan ixtiraamka madax-bannaanida, xasilloonida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka gobolka; dhowrista mabaadi’da deris-wanaagga; diidmada faragelinta arrimaha gudaha ee dalalka gobolka, marmarsiiyo kasta oo loo cuskadaba; iyo ka shaqaynta taageeridda hay’adaha qaranka iyo dhiirrigelinta xalalka siyaasadeed iyo kuwa nabadeed ee khilaafaadka.
3. Shir-madaxeedku wuxuu ka wada hadlay isku-duwidda dadaallada wadajirka ah ee lagu xaqiijinayo xasilloonida gobolka, lagu abuurayo jawi ku habboon horumar la wadaago oo waara, laguna horumarinayo xiriirka dhaqaalaha, ganacsiga iyo dhaqanka.
Dadaalladan waxaa loo wajahaya hab gacan ka geysanaya isdhexgalka dhaqaale iyo isku-xirnaanta, dhiirrigelinaya horumarka waara, isla markaana xoojinaya xiriirka ka dhexeeya shucuubta dhammaan dalalka ka qaybgalaya, iyadoo la tixgelinayo ujeeddooyinkooda guud iyo aayaha ay wadaagaan.
4. Shir-madaxeedku wuxuu ka hadlay arrimaha soo socda, kuwaas oo ay madaxda ka qaybgashay isku raaceen:
a. Taageeridda midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Suudaan iyo hay’adaheeda qaranka; diidmada dhismaha hay’ado barbar socda hay’adaha qaranka; dhiirrigelinta dib-u-bilaabidda hannaan siyaasadeed oo ay dadka Suudaan leeyihiin, hoggaankiisana iyagu hayaan; taageeridda hay’adaha qaranka; iyo si buuxda u diididda taageero kasta oo la siiyo calooshood u shaqeystayaasha.
b. Taageeridda midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo diidmada faragelin kasta oo lagu wiiqayo midnimada iyo madax-bannaanidaas, gaar ahaan aqoonsiga waxa loogu yeero “Somaliland”.
c. Taageeridda dadaallada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee la-dagaallanka argagixisada iyo u suurtagelinta hay’adaha dowladda inay awooddooda ku fidiyaan dalka oo dhan; iyo ugu baaqidda saaxiibbada gobolka iyo kuwa caalamka inay Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) siiyaan maalgelin ku filan, waarta, lana saadaalin karo, si uu u guto waajibaadka loo igmaday.
d. Adkaynta mabda’a xorriyadda isu-socodka maraakiibta iyo in maamulka Badda Cas uu yahay mas’uuliyad u gaar ah dalalka xeebaha ku leh baddaas.
e. Adkaynta muhiimadda ixtiraamka sharciga caalamiga ah ee nidaamiya webiyada xuduudaha ka gudba, oo uu ku jiro webiga Niil, gaar ahaan mabda’a ah inaan waxyeello la geysan, iyo waajibka iskaashiga ee loo marayo wargelin horudhac ah, wadatashi iyo isku-raac; iyadoo si buuxda loo diidayo tallaabo kasta oo hal dhinac uu qaado, taas oo si taban u saamaynaysa isticmaalka biyaha ee hadda ka jira labada dal ee ku yaalla qaybta hoose ee webiga Niil.
f. Sii wadidda xoojinta wadatashiga iyo isku-duwidda ka dhexeeya afarta dal.
DHAMMAAD

