Sabti 3, October 2026 | HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Al-calameyn ee dalka Masar kaga qaybgalay Madasha Ganacsiga Alcalamayn–Afrika, oo ay isugu yimaadeen madax, wasiirro, hoggaamiyeyaal, maalgashadeyaal iyo hay’adaha maaliyadeed ee qaaradda Afrika.
Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa kaga hadlay isbeddellada dhaqaale iyo siyaasadeed ee dunida, muhiimadda iskaashiga iyo isku-xirka dhaqaale ee Afrika, isagoo soo bandhigay baahida loo qabo in dalalka qaaraddu ay si wanaagsan uga faa’iidaystaan khayraadkooda, awoodda dadkooda iyo fursadaha maalgashi ee ka jira suuqyada Afrika.
“Soomaaliya ma ahan oo keliya dal ka soo kabanaya colaado, waa dal dib u dhismaya oo dib-u-habeynaya dhaqaalihiisa. Waxa aan u furan nahay ganacsiga iyo maalgashiga, waana soo dhoweynaynaa cid kasta oo diyaar u ah in ay nala dhisto”.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay ganacsatada Afrika, shirkadaha iyo maalgashadeyaasha caalamiga ah in ay ka qaybqaataan fursadaha ka jira Soomaaliya, isaga oo caddeeyay in maalgashiga wax-soo-saarka leh uu muhiim u yahay abuurista shaqooyin, kobcinta dhaqaalaha iyo horumar waara.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyay in mustaqbalka dhaqaale ee Afrika uu ku xirnaan doono iskaashi iyo maalgashi dhaqaale oo xooggan, iyadoo dalalka qaaraddu ay si wadajir ah u horumarinayaan ganacsiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, maalgelinta iyo isku-xirka suuqyada.


