Sabti 3 October 2026 {HMC} Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa ku eedeyay ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan inay diyaariyeen howlgal ka dhici lahaa gudaha Ingiriiska, oo qaraxyo looga fulin lahaa saldhigga cirka RAF Fairford, kaasoo ah saldhig ku yaalla galbeedka London oo ay adeegsadaan diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo weerarro ka fuliyay gudaha Iiraan.
Iiraan ayaa horey ugu hanjabtay saldhig kasta oo laga soo weerarro dhulkeeda inay beegsanayso oo saldhigga Ingiriiska ku yaal ee RAF Fairford uu ku jiro, iyadoo toddobaad ka hor la xiray dhowr qof oo lala xiriiray inay saldhiggaa qaraxyo ka fulin lahaayeen.

