Soomaaliya oo $16 milyan ka helaysa Sanduuqa Gurmadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay.

Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya u qoondeysay $16 milyan oo qayb ka ah $160 milyan oo loogu talagalay 12 dal oo wajahaya xaalado bani’aadannimo oo aan helin maalgelin ku filan.

Lacagta ayaa lagu dhawaaqay 2-da Oktoobar 2026, waxaana Soomaaliya ka mid tahay siddeed dal oo Afrikaan ah oo ka faa’iideysanaya maalgelintan.

Dhaqaalaha waxaa loogu talagalay in lagu taageero hawlgallada degdegga ah ee lagu badbaadinayo dadka ay saameeyeen colaadaha, abaaraha, barakaca iyo xaaladaha kale ee bani’aadannimo.

Maalgelinta waxay ka imaanaysaa Sanduuqa Dhexe ee Gurmadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay (CERF), oo ah hannaan ay Qaramada Midoobay u adeegsato in si degdeg ah loogu helo dhaqaale hawlgallada gargaarka naf-badbaadinta ah.

Tom Fletcher, ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bani’aadannimada iyo isku-duwaha gargaarka degdegga ah, ayaa sheegay in lacagta cusub ay gacan ka geysan doonto gaarsiinta gargaarka dadka halista ugu jira in laga tago, balse uu sheegay in maalgelintu kaligeed aysan ku filnayn wax ka qabashada baahiyaha jira.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka lacagta ugu badan loo qoondeeyay, iyadoo ay la mid tahay Sudan oo iyadana heshay $16 milyan. Kaalmo kale ayaa loo qoondeeyay Koonfurta Suudaan $15 milyan, Burkina Faso $10 milyan, Mali $10 milyan, Niger $10 milyan, Chad $9 milyan iyo Cameroon $6 milyan.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in guud ahaan lacagta $160 milyan lagu taageerayo 12 xaaladood oo bani’aadannimo, kuwaas oo siddeed ka mid ah ay ka jiraan Afrika. Afarta xaaladood ee kale ayaa ah Yemen oo heshay $18 milyan, Afghanistan $18 milyan, Dhulka Falastiin ee la haysto $18 milyan iyo Cuba oo heshay $4 milyan.

Waxaa sidoo kale lacagta ku jira $10 milyan oo loogu talagalay wax ka qabashada baahiyaha degdegga ah ee dadka qaba naafonimada, iyadoo la doonayo in gargaarka bani’aadannimo laga dhigo mid si fudud ay u heli karaan dadka naafada ah.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Madaxda dalalka Soomaaliya, Masar, Eriteriya iyo Suudaan oo Kulan ka yeelanaayo xaaladda Geeska Afrika & Amniga Badda Cas.

Sabti 3 October 2026 {HMC} Sida ay sheegtay Madaxtooyada Masar, Madaxda dalalka Soomaaliya, Masar, Eriteriya & Suudaan ayaa yeelanaya shir gaar ah oo kaga...