Ma haysataa lacag aad ku iibsan karto Baasaboorka Argentina?

Dowladda Madaxweyne Javier Milei ayaa ku dhawaaqday qorshe dadka ajaanibta ah loogu oggolaanayo inay helaan dhalashada Argentina haddii ay dalkaasi maalgashi ku sameeyaan.

 

Qofka codsanaya wuxuu yeelanayaa laba waddo: inuu $350,000 oo aan dib loogu celin doonin (nonrefundable) ugu shubo khasnadda dowladda, ama inuu $800,000 ku iibsado bond ay dowladdu leedahay.

 

Dowladdu waxay sheegtay in qorshahan looga gol leeyahay soo jiidashada raasumaal shisheeye iyo xoojinta dhaqaalaha. Argentina waxay wajahaysaa culays weyn oo deymo dibadda ah, iyadoo balaayiin dollar oo deyn ahi ku soo fool leeyihiin 2027.

 

Qoysaska ayaa sidoo kale ka faa’iideysan kara barnaamijka: xaaska ama sayga iyo carruurta 18–25 jirka ah ee buuxiya shuruudaha waxay codsan karaan iyagoo bixinaya $100,000 qofkiiba, halka carruurta ka yar 18 sano laga doonayo $25,000.

 

Argentina ayaa sidaas ku noqonaysa dalkii ugu horreeyay Koonfurta Ameerika ee hirgeliya barnaamij noocan ah, waxaana codsiyada la filayaa inay furmaan ka hor dhammaadka sanadkan.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Dalka Masar.

Jimco 2 October 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee...