Mareykanka oo maanta xiray saldhiggii u dambeeyay ee uu ku lahaa Dalka Ciraaq,

Khamiis 1 Octber 2026 {HMC} Dowladda Mareykanka ayaa maanta xiray saldhiggii u dambeeyay ee uu ku lahaa Ciraaq, wuxuuna la baxay ciidankii ka joogay ,taasoo soo afjartay 23 sanno oo Mareykanku uu ku sugnaa Ciraaq, sida ay maanta shaaca ka qaaday waaxda difaaca Mareykanka ee Pentagon, tallaabadaana waxaa soo dhaweeyay dawladda Ciraaq iyo Iiraan oo u aragta in bixitaankan uu ka dhacay cadaadis ay saartay saldhigyada iyo askarta Mareykanka.

Mareykanku wuxuu Ciraaq ku lumiyay 4,500 askari oo uga dhintay , halka uu kharash gareeyay muddadaa 1.7 tiriliyan.
Galitaankii u horreeyay ee ciidanka Mareykanka ee Ciraaq, waxaa lagu sheegay inay ka hortagayaan hubka wax gumaada ee WMDs , oo lagu eedeyay inuu haystay Saddam Xuseen.

Howlgalkaa wuxuu ku dhammaaday dawladdii Saddaam oo la riday iyo hubkii la sheegay inuu haystay oo been noqotay lana waayay, mar kale ayuu Mareykanka ku laabtay Ciraaq, waxaana howlgalkaa lagu sheegay la-dagaallanka kooxda Daacish,iyadoo ugu dambeyn uu maanta soo afjaray joogitaankiisii Ciraaq, halka Ciraaqna ay noqonayso meel uusan joogitaan ku lahayd Mareykanka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Warbaahinta madaxa bannaan oo loo diiday in ay tabiso doorashada Maanta laga bilaabay deegaanada Hirshabelle.

Khamiis 1 October 2026 {HMC} Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya ayaa warbaahinta madaxa bannaan ka hor istaagay inay si toos ah u tabiso doorashada maanta ka...