Sabti, 25 Seb 2026 {HMC} Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu Naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo ahaa Muwaadin Ku Shaqeysta Xirfadda Dhismaha Guryaha ee Faryaamo, kaasi oo Xilliga la dilayo saarnaa Mooto Bajaaj isaga u Kireysneyd, si uu u gaaro Hoygiisa, Maadaama ay aheyd Xilli galab ah oo uu kasoo baxay shaqadiisa.
Eedeysane Soddon oo Waddada Xaafadda Iga-daba-geey ee Degmadda Garsabaaleey u taagan Mooto uu raaco, ayaa Joojiyey Bajaajtii uu saarnaa Marxuumka, Qaab u eg Awood Sheegasho, ayuuna ula hadlay, si loo sii qaado, balse waxaa loo sheegay inaysan qaadi karin, Maadaama isku jiho aysan u socon, Jawaabta Eedeysanaha, ayaana noqotay inuu hakiyo Bajaajta, kadibna ku handado inuu ka shakiyey oo ay tahay in la hubiyo, Waxaana Muran kadib uu riday Labo Baalooto oo Mid dhulka ku dhacday, Tan Kalana Caloosha Ka haleeshay Marxuumka oo Kireystihii Mootada ah, Isla goobtaasi ayuuna ku geeriyooday, Falkaan, ayaana dhacay Lix iyo Labaatankii Bishii Todobaad ee Sanadkaan 2026.
Eedeysanaha oo isku dayey inuu baxsado, ayaa ku dhuuntay geedka Soomaalida ay u taqaano Cali garoobka oo ku yaalla meel aan ka foggeyn goobta falka uu ka dhacay, Balse dad shacab, ayaa ciidamada ammaanka u tilmaamay halka uu ku jiro, sidaas ayeyna ku suurta gashay in la qabto.
Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida, ayaa Codsaday qaadista kiiskaan, Waxaana laga oggolaaday Lix iyo Tobankii Bishaan September.
Garsoorka Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukumay Ex-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim “Soddon” Dil Toogasho oo ah Qisaasta Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi.
Sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida, Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute.

