Jimco, 25 Seb 2026 {HMC} Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Maka ee u dhexeeya Turkiga, Bakistaan iyo Sacuudiga uusan ku wajahneyn Iiraan, Israa’iil ama dal kale, isagoo sheegay in ujeeddadiisu tahay xoojinta amniga, awoodda is-difaaca iyo xasilloonida gobolka.
Wareysi uu siiyay majaladda Newsweek, Erdogan ayaa diiday in heshiiska loo arko isbahaysi loo sameeyay ka-hortagga Iiraan ama Israa’iil, ama beddel u ah dammaanad-qaadyada amni ee Mareykanka.
“Ma saxna in Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Maka loo arko isbahaysi loo dhisay ka-hortagga Iiraan, Israa’iil ama dal saddexaad. Heshiiskani wuxuu ka tarjumayaa mas’uuliyadda naga dhaxaysa ee ah inaan dhisno mustaqbal ammaan, nabad iyo barwaaqo leh,” ayuu yiri Erdogan.
Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in Ankara ay muddo dheer ku baaqaysay in dalalka gobolku ay qaataan mas’uuliyad weyn oo ku aaddan xallinta dhibaatooyinka ka jira gobolka.
“Waxaan doonaynaa inaan adkeyno amnigeenna, xoojinno awooddeenna ka-hortagga khataraha, isla markaana aan dhidibbada u taagno xasillooni waarta oo ka hirgasha guud ahaan gobolkeenna,” ayuu yiri.
Erdogan ayaa sheegay in heshiisku ku saleysan yahay xaqa is-difaaca ee ku xusan Qodobka 51-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay. Heshiisku wuxuu dhigayaa in weerar hubeysan oo lagu qaado mid ka mid ah saddexda dal loo aqoonsanayo weerar lagu qaaday dhammaantood.
Waxa uu sheegay in taageerada la bixinayo ay ku xirnaan doonto baahida iyo codsiga dalka la weeraray.
“Taageeradu waxay noqon kartaa mid sirdoon, saad ama rasaas ah, iyadoo taageero milateri oo ka ballaaran taasna la bixin karo iyadoo lagu saleynayo baaxadda khatarta jirta,” ayuu yiri.
Erdogan ayaa intaas ku daray in habraacyada siyaasadeed iyo kuwa milateri ay go’aamin doonaan tallaabada la qaadayo, isagoo sheegay in heshiisku uusan ka dhigneyn in Turkigu si toos ah dagaal u geli doono mar kasta oo weerar dhaco.
“Sidaas darteed, sax ma aha in horay loo sii dejiyo qorshe milateri oo si toos ah u dhaqan-galaya dhacdo kasta oo suurtagal ah oo ka dhacda Ciraaq, Yaman ama meel kale,” ayuu yiri.
Turkiga oo wada-hadal la yeelan kara dhinacyada is haya
Erdogan ayaa sidoo kale ka hadlay doorka diblumaasiyadeed ee Turkiga ee colaadaha gobolka iyo kuwa caalamka, isagoo sheegay in Ankara ay awood u leedahay inay wada-hadal la yeelato dhinacyada iska soo horjeeda.
“Laga soo bilaabo dagaalka Ruushka iyo Yukrayn ilaa xiisadaha ka jira Bariga Dhexe, Turkigu waa dal awood u leh inuu la macaamilo dhammaan dhinacyada is haya, isla markaana qaado hindisayaal nabadeed,” ayuu yiri.
Isagoo ka hadlayay Israa’iil, Erdogan ayaa dhaliilay hadallo uu sheegay in Turkiga loogu sawirayo khatar soo kordhaysa.
“Dhawaan Israa’iil gudaheeda waxaa laga abuuray sheeko marin-habaabin ah oo Turkiga loogu sawirayo khatar soo kordhaysa,” ayuu yiri. “Waxaan hadalladaas u aragnaa kuwo la xiriira siyaasadda gudaha Israa’iil iyo jawiga doorashada ee hadda jira. Uma aragno hadallo mas’uuliyad ku dhisan ama wax ku biirinaya nabadda gobolka.”
Xasilloonida Suuriya
Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in xasilloonida iyo midnimada Suuriya ay muhiim u yihiin amniga gobolka, isagoo xusay in xaaladda dalkaas ay saamayn ku yeelan karto dalalka deriska ah.
“Xasilloonida Suuriya waxay qayb ka qaadan doontaa nabadda iyo horumarka guud ahaan gobolkeenna, oo ay Israa’iil ku jirto,” ayuu yiri.
Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in dhammaan kooxaha hubeysan loo baahan yahay in lagu mideeyo hal maamul oo dhexe, si loo xoojiyo madax-bannaanida Suuriya, midnimada dhulkeeda iyo wadajirka bulshada.
“Waxaan taageersannahay in hannaankani ku dhisnaado muwaadinnimo loo siman yahay, laguna dhiso nidaam ay dhammaan shacabka Suuriya — oo ay Kurdiyiintu ku jiraan — ku dareemaan ammaan, xorriyad iyo barwaaqo,” ayuu yiri. “Markasta oo ay xoogeysato midnimada Suuriya, waxaa sidoo kale xoogeysanaya amniga gobolkeenna.”
Xaaladda Iiraan
Erdogan ayaa sheegay in Turkigu si dhow ula socdo xaaladda ka jirta dalka deriska la ah ee Iiraan, oo ay ku jiraan waxa uu ku tilmaamay isku-dayo ay PKK/PJAK uga faa’iidaysanayso xaaladda dalkaas.
“Waxaan si dhow ula soconnaa isku-dayada PKK/PJAK ay ku doonayaan inay uga faa’iidaystaan duruufaha ka dhashay isbeddellada Iiraan. Arrimaha gudaha ee Iiraan waa inay xalliyaan shacabka Iiraan laftoodu, iyagoo aan faragelin shisheeye lagu samayn,” ayuu yiri.
Erdogan ayaa sheegay in siyaasadda amniga Turkigu aysan ku salaysnayn qowmiyadda dadka.
“Halbeegga Turkigu marnaba ma aha aqoonsi qowmiyadeed; waxa aan eegaynaa waa argagixisada, rabshadaha iyo khataraha ka dhanka ah amnigeenna qaranka,” ayuu yiri.
“Waxaan aaminsannahay inaan marnaba la oggolaan in bulshooyinka ku nool gobolkeenna loo adeegsado dagaallo wakiillo ah oo ay wadaan dalal kale.”
XIGASHO:TRT World

