Soomaaliya iyo Turkiga oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca.

Khamiis, 24 Seb 2026 {HMC} Soomaaliya iyo Türkiye ayaa sii xoojinaya iskaashiga dhinaca difaaca, iyadoo Ankara ay taageero tababar siineyso Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliyeed si loo horumariyo awooddooda.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Muqdisho ku qaabilay wafdi sare oo ka socday milatariga Türkiye, kaas oo uu hoggaaminayay Sarreeye Guuto Sebahattin Kalkan, Taliyaha Saldhigga Tababarka TURKSOM.

Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed (SONNA) ayaa sheegtay in kulanka oo dhacay Isniintii diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca difaaca ee Soomaaliya iyo Türkiye.

Wasiir Fiqi ayaa muujiyay muhiimadda uu TURKSOM u leeyahay horumarinta iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliyeed, wuxuuna uga mahadceliyay Dowladda Türkiye taageerada joogtada ah ee ay ka geysaneyso xoojinta amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Madaxweyne Xasan Shiikh “Lama sii aqbalikaro in Africa ay Matalaad la aan ku ahaato Qaramada Midoobay”

Khamiis, 24 Seb 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu ka jeediyay Fadhiga Guud ee Meertada 81-aad ee...