Khudbadii Madaxweynaha Iiraan uu maanta ka jeediyay Qaramada Midoobay. Halkan ka Akhriso

Arbaco ,23 Sep 2026 {HMC} Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian ayaa maanta khudbad ka jeediyay Qaramada Midoobay, waxaana qodobadii ugu muhiimsanaa ee uu sheegay ka mid ahaa:

• Iiraan kama tanaasulayso barnaamijkeeda nukliyeerka ee rayidka. Pezeshkian wuxuu sheegay inay diiddan yihiin samaynta hub nukliyeer ah, laakiin sidoo kale aysan aqbalayn in la xaddido isticmaalka nabadeed ee tiknoolajiyadda nukliyeerka.

• Wuxuu sheegay inay weli Iiraan diyaar u tahay heshiis lala galo Trump. Wuxuu sheegay in Iiraan ay diyaar u tahay wada-hadal, balse aysan aqbalayn wada-hadal lagu galo hanjabaad ama waxa uu ugu yeeray luqadda xoogga.

• Markii uu ka hadlayay dagaalka, Pezeshkian wuxuu muujiyay mowqif adag. Wuxuu sheegay in Mareykanka iyo Israa’iil ay weerareen Iiraan; laakiin Iiraan ma jilba dhigan, mana madaxa foorarin.

• Intii uu ka hadlayay khasaaraha rayidka, wuxuu soo bandhigay sawirka carruur lagu dilay weerarkii lagu qaaday iskuul ku yaalla Minab. Wakiillada Mareykanka ayaa markii ay halkaa khudbada soo gaartay ka baxay hoolka xarunta guud ee Qaramada Midoobay.

• Wuxuu sidoo kale soo bandhigay sawirka hoggaamiyihii hore ee Iran, Ali Khamenei, oo lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaaday xaruntiisa bishii Febraayo.

Inkastoo hadallada adag ee masraxa laga sheegay, Mareykanka iyo Iiraan waxay durba si dadban uga wada hadlayaan arrimaha iyagoo adeegsanaya Qatar. Dib u furista marinka Bab al-Mandab ayaa la filayaa inay noqoto mid ka mid ah qodobada ugu muhiimsan wada-hadallada dambe.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Geeska Afrika wuxuu galay marxalad cusub: yaa u adkaysan kara isbeddelka.?

Arbaco ,23 Sep 2026 {HMC} Gobolka Geeska Afrika wuxuu wajahaya marxalad ka duwan waqti kasta oo hore, taas oo lagu tijaabinayo cidda xukunka haysa,...