Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray.

isniin  21 Sep 2026 {HMC}   Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO ayaa sheegay in markab shidaal lagu weeraray “gantaal aan la aqoon” isagoo marayay marinka Hormuz.

Sida laga soo xigtay saraakiil milatari, dhaawac fudud ayaa soo gaaray labo ka mid ah shaqaalah markabka. Markaba wuxuu sii watay safarkiisa isagoo ku sii jeeday dakadii uu u socday.

Waqtigan xaadirka ah ma jiraan warbixino ku saabsan waxyeello deegaanka soo gaartay, baaritaanka ku saabsan weerarkana ayaa weli socdaa.

Ururka arrimaha badaha ee UKMTO waxay markale kula talisay maraakiibta in ay taxadar muujiyaan marka ay marayaan aagaas isla markaana soo sheegaan wixii dhaqdhaqaaq ah.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Wasiir Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

isniin  21 Sep 2026 {HMC}  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil Turki ah oo uu hoggaaminayey...