{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho kula kulmay wafdi sare oo ka socday Ciidanka Cirka Dowladda Pakistan.

Axad 20 Sep 2026 {HMC}  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Ciidanka Cirka Dowladda Pakistan, oo uu hoggaaminayay Taliyaha Difaaca Cirka, ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan, Air Marshal Muhammad Sarfraz.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji.

Kulanka ayaa looga hadlay sare u qaadista iyo dardargelinta dhismaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray dadaallada lagu xoojinayo awoodda Ciidanka Cirka, horumarinta tayada iyo tababarka ciidanka, iyo xoojinta iskaashiga dhinaca difaaca ee Soomaaliya iyo Pakistan.

Dadaalladan ayaa qeyb ka ah qorshayaasha lagu horumarinayo laguna dhisayo Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, si loo dardargeliyo howlaha Taliska Guud ee ciidanka xds, loona xoojiyo awoodda difaaca cirka ee dalka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Ilhaan Cumar oo soo jeedisay in dhaqaalo la siiyo bulshooyinka ay saameeyeen hawlgalladii ICE.

Axad 20 Sep 2026 {HMC} lhaan Cumar oo ah Xildhibaan ka tirsan Aqalka Wakiillada Wadanka Maraykanka ayaa soo bandhigtay hindise sharciyeed cusub oo lagu...