Madaxweynaha Soomaaliya oo u safraya Maraykanka

Axad 20 Sep 2026 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saacadaha soo socda ku wajahan Magaalada New York ee Dalka Maraykanka si uu uga qaybgalo shirka Qaramada Midoobay oo furmaya Talaalada.

Wafdi hordhac u ah safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Magaalada New York ayaa diyaariyay soo dhaweynta iyo goobta uu degayo Madaxweynaha Soomaaliya sida ay ku warrameen ilo kala duwan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa galaya safar qaadanaya in ka badan 10 saac isaga oo marka uu gaaro Magaalada New York kulamo gaar gaar ah oo hordhac la qaadan doonna madaxda ka qaybgalaysa meertada 81aad ee Qaramada Midoobay.

Waxa uu ka qaybgali doonnaa doodaha iyo kulamada isaga oo jeedin doonna Khudbada uu uga hadlayo xaaladda Dalka sida Amniga, Siyaasadda, Bani aadmanimada, Howlgalka AUSSOM iyo taageerrada ay u baahan tahay Dowladda Federaalka.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Ilhaan Cumar oo soo jeedisay in dhaqaalo la siiyo bulshooyinka ay saameeyeen hawlgallada ICE.

Axad 20 Sep 2026 {HMC} Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Maraykanka ayaa soo bandhigtay hindise sharciyeed cusub oo lagu doonayo in...