Sabti 19 Sep 2026 {HMC} Turkiga ayaa Jimcihii beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada iyo qaar ka mid ah warbaahinta oo sheegayay in Soomaaliya ay xayiraad fiiso ku soo rogtay muwaadiniinta Turkiga.
Xarunta La-dagaallanka Wararka Been-abuurka ah ee Madaxtooyada Turkiga ayaa sheegtay in wax isbeddel ah aan lagu sameyn shuruudaha lagu maamulo isu-socodka muwaadiniinta labada dal.
“Wararka sheegaya in Soomaaliya ay xayiraad fiiso ku soo rogtay muwaadiniinta Turkiga waxay si cad u yihiin marin-habaabin,” ayay Xarunta ku sheegtay bayaan.
Xaruntu waxay bayaankeeda ku lifaaqday qoraal uu akoonka warbaahinta Serbest Gazete ku daabacay barta X, kaas oo sheegayay in Soomaaliya ay xayiraad fiiso ku soo rogtay Turkiga.
“Wax isbeddel ah laguma sameyn shuruudaha hadda lagu maamulo isu-socodka muwaadiniinta Turkiga iyo Soomaaliya, mana jirto xayiraad cusub ama wax-ka-beddel lagu sameeyay xeerarka jira,” ayay xaruntu raacisay.
Muwaadiniinta labada dal ayaa weli ku safra nidaamka fiisaha isu-dheellitiran ee horay u jiray, sida lagu sheegay bayaanka.
Xarunta Turkiga ayaa sheegashooyinka ku tilmaantay olole xog khaldan ah oo lagu bartilmaameedsanayo xiriirka istaraatiijiga ah iyo iskaashiga muddada dheer ka dhexeeya Ankara iyo Muqdisho.
Waxay shacabka ugu baaqday inay xogta la xiriirta socdaalka ka raadsadaan hay’adaha rasmiga ah.

