Wararkii ugu dambeeyay dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ka socda Baladxaawo.

Sabti 19 Sep 2026 {HMC} Degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo waxaa ka socda Dhaqdhaqaaq ciidan oo iska soo horjeeda oo ay kala wadaan Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo si toos ah u hoostagta Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Jubbaland.

Sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan, labada dhinac ayaa ku loolamaya maamulka Magaalada Balad Xaawo oo hadda gacanta ugu jirta ciidamo ka amar-qaata Cabdirashiid Janan oo heshiis la galay Maamulka Jubbaland inkasta oo aanay si buuxda u wareejin ciidankiisa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in sidoo kale uu jiro kala xod-xodasho dhinaca ciidamada ah si uu dhinac weliba dhanka kale uga helo ciidamo usoo goosta isla markaana kala shaqeeya gacan ku dhigista maamulka Balad Xaawo.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay jirto cabsi ay ku muujinayaan isku dhac marweliba dhex mari kara ciidamada wada abaabulka iska soo horjeeda ee ku loolamaya gacan ku haynta Magaalada Balad xaawo ee Gobolka Gedo.

Warar kale ayaa sheegaya in ciidamo katirsan kuwii la socday Cabdirashiid Janan ay diideen in ay u wareegsadaan dhinaca Maamulka Jubbaland kuwaas oo haysta hub iyo Gaadiid Dagaal ay ku sugan yihiin gudaha Magaaladaas.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Ilhaan Cumar oo soo jeedisay in dhaqaalo la siiyo bulshooyinka ay saameeyeen hawlgallada ICE.

Axad 20 Sep 2026 {HMC} Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Maraykanka ayaa soo bandhigtay hindise sharciyeed cusub oo lagu doonayo in...