Jabuuti oo gargaar u qaybisay qoys oo ka soo cararay colaadda Wadanka Yemen.

Jimco 18 Sep 2026 {HMC} Dowladda Jabuuti ayaa gargaar u qaybisay in ka badan 700 oo qoys oo qaxooti Yemeniyiin ah oo ku nool gobolka Obock, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti ee ADI. Gargaarka waxaa qaybiyay Midowga Haweenka Qaranka Jabuuti ee UNFD, waxaana ka faa’iidaystay 2,799 qof oo ay ku jiraan carruur, haween iyo rag ka soo qaxay dagaalka Yemen.

Kaalmadan oo ay bixisay Marwada Koowaad ee Dalka Jabuuti, ahna guddoomiyaha UNFD, Khadra Maxamuud Xayd, waxay ka koobnayd bustayaal, xijaabyo, maacuunta jikada, dhar, kabo iyo agabka nadaafadda.Wafdi ay hoggaaminaysay Xoghayaha Guud ee UNFD, Fatouma Moussa Abdi, ayaa qalabka ku wareejiyay qaxootiga Khamiistii.

Munaasabadda qaybinta waxaa goob joog ahaa guddoomiyaha gobolka Obock Moussa Aden Miganeh, madaxa golaha gobolka Mohamed Houmed Ismail iyo guddoomiyaha laanta UNFD ee gobolka Fatoum Houmed.

Dalka Jabuuti ayaa martigelinaysa qaxooti Yemeniyiin ah oo ka soo gudbay marin-biyoodka Baabul Mandab, iyagoo ka cararaya dagaalka muddada dheer ka socda dalkooda.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Kulan la Yeeshay Wasiirka Difaaca Shiinaha.

Jimco 18 Sep 2026 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan heer sare ah la yeeshay Wasiirka Difaaca Shiinaha, Admiral...