Jimco 18, Sep 2026 {HMC}Â Wafdi ka kooban wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baraawe, caasimadda Dowladda Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Wafdiga waxaa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Koonfur Galbeed, mudane maxamed Osmaan Xaaji jiidow iyo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, iyadoo ay sidoo kale wafdiga qeyb ka ahaayeen xildhibaano ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed.
Markii wafdiga ay soo gaareen magaalada Baraawe, waxaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada, iyadoo kadib loo galbiyay xarunta degmada Baraawe.
Xarunta degmada ayaa waxaa wafdiga loogu sameeyay munaasabad soo dhaweyn ah, taas oo lagu muujiyay taageerada iyo soo dhaweynta shacabka iyo maamulka degmada ay u hayaan masuuliyiinta Dowladda Koonfur Galbeed.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa booqashadiisa Baraawe diiradda ku saari doona arrimaha la xiriira waxbarashada, horumarinta adeegyada waxbarasho iyo xoojinta wada shaqeynta ka dhexeysa Wasaaradda Waxbarashada iyo maamulka degmada barawe .
Booqashada Wasiirka ayaa sidoo kale muhiim u ah qiimeynta xaaladda waxbarashada ee magaalada Baraawe iyo sidii loo dardargelin lahaa horumarinta adeegyada waxbarasho, tayeynta waxbarashada iyo taageerada xarumaha waxbarashada ee degmada .

