Pakistan oo ku dhawaaaqday in ay difaaceeyso Sacuudiga.

Jimco 18, Sep 2026 {HMC} Afhayeen u hadlay milateriga Pakistan ayaa sheegay in dalkiisa uusan “waxba la hari doonin” sidii uu u difaaci lahaa Sacuudiga.

Ahmed Sharif Chaudhry ayaa u sheegay wargeyska Arab News khamiistii in Pakistan ay ka taageereyso Sacuudiga dhanka diblomaasiyadda iyo milatariga.

“Waxaan qaadi doonnaa tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si loo xaqiijiyo amniga labada Masjid ee Barakaysan iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya”.

Weerarka lagu qaaday dhuunta shidaalka ee tagta dekadda Yanbu ayaa hakisay shidaalka uu Sacuudiga dhoofiyo.

Xuutiyiintu waxay sheegeen in Sacuudiga uu joogto cirka uga duqeeyay. Riyad waxay sidoo kale ku eedeysay Xuutiyiintu in ay weerar “fulaynimo ah” ku qaadeen Makah balse Xuutiyiintu way beeniyeen.

Weerarka Sacuudigu sheegay in Makah lagu qaaday ayaa keenay jawaab ka timaada dalalka Islaamka.

Pakistan, Sacuudi iyo Turkiga ayaa 6-dii Agoosto kala saxiixday “Heshiiska Difaaca Makah,” iyagoo caddeeyay in weerar lagu qaado midkooda loo arki doono weerar lagu qaaday saddexda waddan.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Wafdi ka kooban wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya oo gaaray magaalada Baraawe.

Jimco 18, Sep 2026 {HMC}  Wafdi ka kooban wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baraawe, caasimadda Dowladda...