Sacuudiga oo raadinaya waddo lagu xakameeyo Awooda Xuutiyiinta.

Khamiis 17 Sep 2026 {HMC} Dowladda Sacuudiga ayaa Shiinaha ka codsaday inuu si hoose Iran ugala hadlo sidii loo yareyn lahaa weerarrada Xuutiyiinta Yemen, sida ay Reuters u sheegeen saddex ilo-wareed oo Iran ah.

Codsigan ayaa yimid kadib markii Xuutiyiintu toddobaadkii hore ay horumar weyn ka sameeyeen Yemen, ayna la wareegeen qaybo ka mid ah xeebaha u dhow Marinka Bab al-Mandab.

Shiinaha ayaa si rasmi ah ugu baaqay dhinacyada inay isdejiyaan, wadahadalna yeeshaan, isla markaana la ilaaliyo amniga maraakiibta.

Hase yeeshee, ilo-wareedyadu waxay Reuters u sheegeen in Beijing ay Iran ka doonayso inay saameynteeda ku isticmaasho Xuutiyiinta, si looga hortago in dagaalku ku fido marinnada muhiimka ah ee shidaalka iyo tamarta, kuwaas oo muhiim u ah dhaqaalaha Shiinaha.

Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in Iran ay uga jawaabtay in nabadda iyo xasilloonida gobolka ay ku xiran tahay in la soo afjaro dagaalka u dhexeeya Iran iyo Mareykanka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Wariye caan ahaa oo la afduubtay saacado kadibna la helay meydkiisa.

Jimco 18, Sep 2026 {HMC} Tacsi iyo baroordiiq ayaa loo dirayaa tabiyihii ciyaaraha ee caanka ahaa ee Koonfur Afrika, Owen Ndlovu, oo meydkiisa la helay...