Khamiis 17 Sep 2026 {HMC} Jamhuuriyadda Jabbuuti ayaa sheegtay in aanay oggolaan doonin in dhulkeeda laga weeraro kooxda Xuutiyiinta ee Yemen, sida uu BBC-da u sheegay Wasiirka Maaliyadda Jabuuti, Ilyaas Dawaale.
Dawaale wuxuu sheegay in mowqifka Jabbuuti aanu isbeddelin, isaga oo ka jawaabayay su’aal la weyddiiyayoo ahayd in dawladdu dib uga fiirsatay diidmadii hore ee codsi uga yimid Maraykanka oo ahaa in ciidammada Maraykanku isticmaalaan xarumaha millitari ee Jabbuuti si ay u weeraraan Xuutiyiinta.
“Uma malaynayo in su’aashaasi xilligan taagan tahay. Ciddii wax weerari jirtay ama naga dalban jirtay, waxaan filayaa iyaga ayaan xitaa diyaar u ahayn. ” ayuu yidhi Dawaale.
Wuxuu sheegay in Jabuuti aanay doonayn in ay si millitari ah ugu lug yeelato colaadda gobolka oo ay u taagan tahay nabad.
Dawaale wuxuu sheegay in furfurnaanta iyo amniga Bab al-Mandab ay udub-dhexaad u yihiin siyaasadda Jabbuuti.

