Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo Baydhabo ku Kormeeray Ciidamo Tababar Dhammaystay.

Khamiis 17 Sep 2026 {HMC}  Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Khaalid,” ayaa kormeeray ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka oo tababar ku soo dhammaystay magaalada Baydhabo.

Intii uu kormeerka ku jiray, Taliyaha ayaa booqday xerada tababarka, isagoo warbixin ka dhageystay macallimiinta iyo saraakiisha gacanta ku haysa barnaamijka. Waxa uu sidoo kale dib u eegay halka uu marayo tababarka, noocyada layliyada ciidan ee la sameeyay iyo farsamooyinka la baray askarta.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inuu sii wado dadaallada lagu xoojinayo laguna horumarinayo tababarka ciidamada, si kor loogu qaado awooddooda ay kula wareegayaan mas’uuliyadda guud ee amniga Soomaaliya.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Wariye caan ahaa oo la afduubtay saacado kadibna la helay meydkiisa.

Jimco 18, Sep 2026 {HMC} Tacsi iyo baroordiiq ayaa loo dirayaa tabiyihii ciyaaraha ee caanka ahaa ee Koonfur Afrika, Owen Ndlovu, oo meydkiisa la helay...