Soomaaliya oo war ka soo saartay weerar Xuutiyiinta ku qaadeen Makka

Khamiis 17 Sep 2026 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay isku day weerar oo loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn, kaas oo lagu bartilmaameedsanayay magaalada barakeysan ee Maka Al-Mukarrama.

War-saxaafadeed ay dowladda Soomaaliya soo saartay ayay ku sheegtay in ciidamada difaaca cirka Sacuudiga ay qabteen drone-ka ka hor inta uusan gaarin magaalada Maka.

Soomaaliya waxay sidoo kale cambaareysay weerarradii dhowaan lagu qaaday goobaha rayidka ah eegudaha Boqortooyada Sacuudiga

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo muujisay taageero ay u hayso Sacuudiga oo uu hoggaamiyo Boqorka ahna Ilaaliyaha Labada Masjid ee Barakeysan.

Soomaaliya waxay sidoo kale xaqiijisay inay aqoonsan tahay xaqa Sacuudiga u leeyahay inuu difaaco dhulkiisa, shacabka iyo goobaha barakeysan ee Islaamka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Kulan la Yeeshay Wasiirka Difaaca Shiinaha.

Jimco 18 Sep 2026 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan heer sare ah la yeeshay Wasiirka Difaaca Shiinaha, Admiral...