DFS ayaa si adag u cambaareysay isku day weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn oo lagu bartilmaameedsaday magaalada barakeysan ee Maka, kaas oo ay ciidamada difaaca cirka Sacuudiga sheegeen inay ka hortageen ka hor inta uusan gaarin magaalada.
Soomaaliya ayaa sidoo kale cambaareysay weerarradii dhawaan lagu qaaday deegaanno rayid ah oo ka tirsan Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo muujisay garab istaag buuxa oo ay la leedahay dowladda iyo shacabka Sacuudiga, isla markaana sheegtay in Sacuudigu xaq u leeyahay inuu ilaashado dhulkiisa, dadkiisa iyo goobaha barakeysan ee Islaamka.


