Arbaco 16 Sep 2026 {HMC} Taliyaha ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Lieutenant General Sam Kavuma, ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab aysan tan iyo bishii Maarso ee sanadkii hore wax dhul ah ka qabsan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika, isagoo xusay in ciidamada howlgalka ay kooxda ka saareen fariisimo dhowr ah.
General Kavuma oo wareysi gaar ah bixiyay ayaa sheegay in muddadaas ciidamada AUSSOM ay qaadeen howlgallo Al-Shabaab looga saaray deegaanno ay ka mid yihiin Sabiib, Bariire, Awdheegle, Mubaarak iyo Daarusalaam.
Wuxuu sheegay in kooxda ay muddadaas lumisay dhul, dagaalamayaal, saraakiil iyo hoggaan ciidan, isaga oo intaas ku daray in xaaladdaasi ay saameysay niyadda dagaalyahannada kooxda.
Si kastaba, taliyaha ayaa sheegay in Al-Shabaab ay weli tahay khatar weyn oo ka jirta Soomaaliya, maadaama aysan ahayn oo keliya koox hubaysan balse ay tahay fikir iyo aragti ay ciidamada dowladda iyo bulshada Soomaaliyeed u baahan yihiin inay si wadajir ah uga hortagaan.
General Kavuma ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro Al-Shabaab uusan ku koobnaan karin hawlgallo militari oo keliya, balse loo baahan yahay in wax laga qabto arrimaha amniga, dhaqaalaha, cuntada, caafimaadka, deegaanka iyo xaaladaha bulshada.
“Qoryaha oo keliya ma soo afjari karaan dhibaatada Al-Shabaab,” ayuu sheegay taliyaha, isagoo tilmaamay in loo baahan yahay dadaallo kale oo lagu yareynayo sababaha keena amni-darrada.
Taliyaha AUSSOM ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka guud ee Al-Shabaab uu yahay mid ay hoggaaminayaan dowladda iyo ciidamada Soomaaliya, halka howlgalka Midowga Afrika uu yahay mid taageero siinaya ciidamada dalka.
Wuxuu sheegay in inkastoo AUSSOM ay mararka qaar hoggaamiso dagaallo gaar ah, haddana jihada guud ee dagaalka ay leedahay Soomaaliya.
General Kavuma ayaa xusay in ciidamada Soomaaliya ay u baahan yihiin awood ciidan, saadka iyo qalab ku filan ka hor inta aan si buuxda loogu wareejin masuuliyadda amniga.
Wuxuu sheegay in saddex ka mid ah awoodaha muhiimka ah ee ciidamada Soomaaliya u baahan yihiin ay yihiin ciidamo dhulka ku filan, awood cirka ah oo ay ku jiraan diyaaradaha xog-ururinta iyo kormeerka, iyo ciidan badeed awood u leh ilaalinta xeebaha dalka.
Taliyaha ayaa sidoo kale ka hadlay saameynta ay maalgelin yaraantu ku yeelan karto howlgalka AUSSOM, isagoo sheegay in haddii taageerada dhaqaale iyo tan saadka ay yaraato ay saameyn karto dhammaan hawlgallada ciidamada.
Wuxuu sheegay in taageerada UNSOS ay daboolayso qiyaastii 85 boqolkiiba waxyaabaha howlgalka AUSSOM uu isticmaalo, isla markaana haddii taageeradaasi ay dhammaato aan la helin beddelkeeda ay si weyn u saameyn karto howlgalka.
General Kavuma ayaa sheegay in ka hor inta aan ciidamo laga soo saarin goob ay muhiim tahay in la sameeyo qiimeyn ku saabsan khatarta iyo awoodda kooxda ka soo horjeedda.
Wuxuu sheegay in ciidamada aan laga bixin goob iyadoo kooxda ay weli awood buuxda ku leedahay deegaanka, balse go’aanka ka bixitaanka uu u baahan yahay qiimeyn dhammaystiran oo ku saabsan xaaladda amni.
Taliyaha AUSSOM ayaa sheegay inuusan si buuxda u ogeyn qorshaha Al-Shabaab ee ku aaddan marxaladda kala guurka, balse uu aaminsan yahay in kooxdu isku dayi karto inay ka faa’iideysato fursad kasta oo ka dhalata isbeddelka amni.
Wuxuu sheegay in ciidamada Soomaaliya ay u baahan yihiin inay yeeshaan awood ku filan oo ay ku buuxiyaan meelaha ay baneeyaan ciidamada AUSSOM, gaar ahaan dhinacyada ciidanka dhulka, saadka, awoodda cirka iyo ciidamada badda.
Wuxuu sheegay in mustaqbalka Soomaaliya uu ku xirnaan doono go’aannada iyo aragtida ay Soomaalidu ka yeelato dalkooda, isagoo ku boorriyay dhinacyada Soomaalida inay khilaafaadkooda si nabad ah uga wada hadlaan.


