Maxaa ka jiro in Dowladda Sacuudiga ay Israa’iil ka dalbaday taageero.?

Talaado 15 Sep 2026 {HMC} Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Sacuudiga uu si dadban uga dalbaday Israa’iil xog sirdoon iyo taageero kale oo dhinaca milatariga ah, si looga hortago in kooxda Xuutiyiinta (Ansar Allah) ay gacanta ku dhigto marin-biyoodka Bab al-Mandab ee Yemen.

Wargeyska Israel Hayom, oo soo xiganaya ilo diblomaasiyadeed oo gobolka ah, ayaa sheegay in Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, uu dalabyo taageero ah u diray dalal ka tirsan Khaliijka iyo Masar, halka Israa’iil si dadban loola xidhiidhiyay iyada oo loo sii marayo Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM).

Sida warbixinta lagu sheegay, Riyadh ayaa walaac ka muujisay in Xuutiyiintu ay si buuxda ula wareegaan Bab al-Mandab, taas oo saameyn weyn ku yeelan karta isu-socodka maraakiibta ganacsiga iyo dhaqaalaha gobolka. Sacuudiga ayaa sidoo kale ka digay in xidhitaanka marin-biyoodkaasi uu saameyn dhaqaale oo caalami ah yeelan karo, iyadoo ay suurtagal tahay inuu ka weynaado saameynta xidhitaanka marinka Hormuz.

Dalabka loo gudbiyay Israa’iil ayaa lagu tilmaamay mid aan hore loo arag, maadaama Sacuudiga uu muddo dheer ku adkaysanayay in xidhiidh rasmi ah oo uu la yeesho Israa’iil uu ku xidhnaan doono in la helo dowlad Falastiini ah iyo in la soo afjaro qabsashada dhulka Falastiin. Riyadh ayaa mowqifkaas marar badan ku celisay intii uu socday dagaalka Qasa.

Warbixinta Israel Hayom ayaa sidoo kale sheegtay in xaaladda cusub ay Riyadh u abuuri karto fursad ay xidhiidhkeeda Israa’iil ugu sii dhaweyso, isla markaana Bin Salmaan uu taageero uga raadsan karo arrintaas gudaha Sacuudiga.

Dhanka kale, Maxamed Bin Salmaan ayaa sida la sheegay si toos ah ula hadlay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, isaga oo ka dalbaday in Washington ay qaaddo tallaabo militari oo ka dhan ah Xuutiyiinta. Hase yeeshee, Trump ayaa illaa hadda ka gaabsaday in ciidamada Mareykanka ay si toos ah uga qayb qaataan dagaalka, isagoo Riyadh u ballanqaaday taageero dhinaca xogta sirdoonka iyo badhtilmaameedyada ah.

Taliska CENTCOM ayaa sidoo kale lagu sheegay inuu isku dubbaridayo taageerada Mareykanka ee Sacuudiga, iyadoo Taliyaha CENTCOM, Admiral Brad Cooper, uu booqday Sacuudiga. Warbixintu waxay intaas ku dartay in Washington ay ka fiirsanayso duqeymo ka dhan ah goobo ku dhow Bab al-Mandab, haddii Xuutiyiintu halkaas geeyaan radarro ama gantaallo.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Dowladda Mareykanka oo mar kale duldhigay $5 milyan oo Doollar xogta haweeney Soomaali ah.

Talaado 15 Sep 2026 {HMC} Mareykanka ayaa mar kale dib u shaacisay abaalmarin lacageed oo dhan $5 milyan oo lagu bixinayo ciddii keenta xog horseedi...