Maraykanka oo Safiir Cusub u soo magacaawday Soomaaliya.

Talaado 15 Sep 2026 {HMC} Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Devin Kennington u magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, iyadoo Washington ay dib u buuxinayso xilka safiirnimo ee Muqdisho oo bannaan tan iyo markii dib loogu yeeray safiirkii hore Richard H. Riley dabayaaqadii 2025.

Magacaabista Kennington ayaa ka mid ahayd liiska magacaabista diblomaasiyadeed ee Aqalka Cad u gudbiyay Senate-ka Mareykanka. Sida ku cad xogta Aqalka Cad, Kennington waxaa loo magacaabay xilka “Ambassador Extraordinary and Plenipotentiary” ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kennington ayaa beddeli doona Richard H. Riley, oo xilka safiirka Maraykanka ee Soomaaliya hayay tan iyo 2024, balse bishii December 2025 dib loogu yeeray Washington iyadoo maamulka Trump uu sameeyay isbeddel ballaaran oo ku yimid safaaradaha iyo hoggaanka diblomaasiyadda Maraykanka.

Tan iyo markii Riley uu ka baxay Muqdisho, Justin Davis ayaa ahaa ku-simaha madaxa safaaradda Maraykanka ee Muqdisho, maadaama aan xilka safiirnimo loo magacaabin diblomaasi cusub.

Magacaabista Kennington waxay ku soo beegmaysaa xilli xiriirka Soomaaliya iyo Maraykanka uu ku salaysan yahay iskaashi dhinacyo badan leh, gaar ahaan amniga, la-dagaallanka Al-Shabaab, xasillinta Soomaaliya iyo arrimaha gobolka Geeska Afrika.

Kennington waa diblomaasi muddo ka soo shaqeeyay adeegga arrimaha dibadda ee Maraykanka, waxaana magacaabistiisu ka dhigan tahay in Washington ay markii ugu horreysay muddo ku dhow sagaal bilood u diyaarinayso Muqdisho safiir si rasmi ah u matala madaxweynaha Maraykanka.

Si kastaba, magacaabista Kennington ma noqonayso mid kama dambeys ah ilaa Senate-ka Maraykanku ansixiyo, sida uu dhigayo nidaamka magacaabista safiirrada ee dalkaas.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Maxaa ka jiro in Dowladda Sacuudiga ay Israa’iil ka dalbaday taageero.?

Talaado 15 Sep 2026 {HMC} Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Sacuudiga uu si dadban uga dalbaday Israa’iil xog sirdoon iyo taageero kale oo dhinaca milatariga...