Ugaaska Beesha Xawaadle iyo wafdi siyaasiyiin uu hogaaminayo Ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay Beledweyne.

Isniin, 14, Sep 2026 {HMC}  Ugaaska beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan, iyo siyaasiyiin ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka baxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray Beledweyne, halkaas oo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle iyo dadweyne fara badan.

Soo dhaweynta ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada kaga hortagay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo xubno ka tirsan maamulka Hirshabeelle ee kasoo jeeda beesha Xawaadle, iyadoo magaalada la adkeeyay ammaankeedi, Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa sidoo kale muujiyay hub iyo gaadiid dagaal oo lagu soo bandhigay qeybo ka mid ah magaalada Beledweyne.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Maxamed Xuseen Carab, ayaa sheegay in maamulka gobolka uu diyaar u yahay inuu kala qeyb qaato talooyinka iyo dadaallada ay masuuliyiinta iyo waxgaradka beesha u tageen magaalada Beledweyne.

Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo warbaahinta kula hadlay magaalada ayaa sheegay in socdaalkooda uu qeyb ka yahay qorshe ay beesha Xawaadle ku doonayso inay uga tashato xaaladda taagan, isagoo ku baaqay in si guud loo mideeyo talada iyo go’aannada beesha.

“Waxaan rabnaa Xawaadle inay tashato. Si guud ayay u tashan doonnaa, si wadajir ah ayay u tashan doonnaa, tallaabo wadajir ahna waan qaadi doonnaa. Tallaabada aan qaadno waxay ka duwanaan doontaa tallaabooyinkii hore,” ayuu yiri Ugaaska, Waxa uu sidoo kale ugu baaqay dadka kasoo jeeda beesha inay u diyaar garoobaan go’aannada kasoo bixi doona wada-tashiga, isagoo sheegay in looga baahan yahay qof kasta oo awood, dhaqaale ama karti leh inuu ka qeyb qaato.

“Maanta Waxaan rabnaa go’aanka aan soo gaarno inaan fulinno, cidda fulin kartana waa idinka shacabka ah. U diyaar garooba” ayuu yiri Ugaas Yuusuf.

Dhankiisa, Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), oo goobta ka hadlay, ayaa sheegay in bulshada Hiiraan ay tabashooyin u qabto dowladda Federaalka Soomaaliya, balse uu xusay in ujeeddadu aysan ahayn diidmada dowladda, balse ay tahay in la raadiyo xuquuqda ay gobolka iyo bulshada ku leeyihiin dowladda.

“Calanka Hirshabeelle ayaa noo calan ah, Fowdo ma rabno, Anaga waxbaan tabanaynaa, Dowladda & Maamulka Hirshabeelle oo aan kamid nahay ayaan ka tabanaynaa, ” ayuu yiri Dabageed, Waxa uu intaa ku daray in haddii ay jiraan arrimo u baahan in laga tashado ay diyaar u yihiin wada-hadal, isagoo sheegay in Ugaaska iyo madaxda beesha ay arrimahaas kala hadli doonaan bulshada.

Cali Shacbaan, oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa isna sheegay in wafdiga ay Beledweyne u tageen sidii ay magaalada uga dhici lahayd wada-tashi guud oo ay beesha Xawaadle uga arrinsanayso xaaladda taagan.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

{DAAWO SAWIRADA} Dowladda Soomaaliya oo bilaawday Qorshe lagu Horumarinaayo Xeryaha Ciidamada.

Isniin 14 Sep 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye guuto Ibrahim Maxamed maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay Dugsiga Tababarka Gen. Dhagabadan, isagoo...