Isniin, 14, Sep 2026 {HMC} Hay’adda Dambi-baarista Federaalka Mareykanka ee FBI ayaa shaacisay abaalmarin gaaraysa $150,000 oo loo ballanqaaday qofkii keena xog gacan ka geysan karta helitaanka iyo soo qabashada Fahad Maxamed Nuur, oo dowladda Mareykanku muddo raadineysay.
FBI-da ayaa sheegtay in Fahad Maxamed Nuur, oo magacyo kale oo ay ka mid yihiin Nuur Cabdiwali Xasan iyo Cabdiwali Nuur Xasan, uu yahay muwaadin Mareykan ah oo asal ahaan Soomaali ah. Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in la rumeysan yahay inuu ku sugan yahay Soomaaliya.
Ninkan ayaa lagu eedeeyay inuu qeyb ka ahaa kiis la xiriira lunsasho iyo wax is-daba-marin lagu sameeyay lacag loogu talagalay Barnaamijka Federaalka Mareykanka ee Nafaqeynta Carruurta, xilli uu socday cudurka COVID-19.
Sida lagu sheegay xogta FBI-da, dadka lagu eedeeyay kiiskan ayaa si sharci-darro ah u helay, u leexsaday, isla markaana u adeegsaday dano gaar ah malaayiin doollar oo loogu talagalay in lagu bixiyo cuntooyinka carruurta u baahan.
FBI-da ayaa Fahad Maxamed Nuur ku tilmaantay milkiilaha shirkad ka shaqeysa sahayda cuntada, taas oo la sheegay inay heshay in ka badan $5 milyan oo ka mid ah lacagaha barnaamijka. Eedeymaha ayaa sheegaya in shirkaddu gudbisay dukumiintiyo iyo qaansheegadyo aan sax ahayn oo lagu muujinayay cunto aan dhab ahaan la gaarsiin goobihii loogu talagalay.
Maxkamad federaali ah oo ku taalla gobolka Minnesota ayaa 13-kii Sebteembar 2022 soo saartay amar lagu soo qabanayo Fahad Maxamed Nuur, kaddib markii lagu soo oogay dacwado ay kamid yihiin khiyaano maaliyadeed iyo lacag-dhaqid.
Hay’adda FBI ayaa ugu baaqday qof kasta oo haya xog ku saabsan halka uu ku sugan yahay Fahad Maxamed Nuur inuu la wadaago hay’adda, iyadoo xogta lagu gudbin karo khadadka xog-bixinta FBI-da ama xafiisyadeeda ku yaalla gudaha Mareykanka iyo dalalka kale.

