Isniin, 14, Sep 2026 {HMC} Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay siyaasiyiin, odayaasha Dhaqanka, waxgaradka Beesha Hariin.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta, iyo xiriirka ka dhexeeya Dowladda Koonfur Galbeed iyo bulshada, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay arrimaha bulshada, nabadeynta, dowlad-dhiska dib u heshiisinta iyo xoojinta midnimada iyo wadajirka shacabka Koonfur Galbeed.
Hoggaamiyaha ayaa dhageystay aragtiyada iyo talooyinka ay soo jeediyeen ka soo qeybgalayaasha shirka, isagoo uga mahadceliyey kaalintooda ku aaddan nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta dowladnimada.
Siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beesha ayaa Hoggaamiyaha la wadaagay aragtidooda ku aaddan xaaladda guud ee Koonfur Galbeed, iyagoo muujiyey taageerada ay u hayaan dadaallada lagu xoojinayo nabadda, dowladnimada iyo horumarka deegaannada Koonfur Galbeed.
Hogaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-tashiga, isku duubnida bulshada iyo iskaashiga dowladda iyo shacabka, si loo gaaro nabad waarta, horumar iyo dowladnimo loo dhan yahay.
DHAMAAD

