Madaxweyne Xasan oo ka qaybgalay bandhigga xiritaanka la-xisaabtanka sannadlaha ah ee Wasaaradaha Soomaaliya.

Axad 13 Sep 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay bandhigga xiritaanka la-xisaabtanka sannadlaha ah ee Wasaaradaha Xukuumadda, oo lagu soo bandhigay natiijooyinka waxqabadka iyo heerka ay ka gaareen fulinta qorsheyaashii loo dejiyay, gaarista bartilmaameedyadii loo asteeyay iyo gudashada waajibaadkooda sannadka 2026.

Madaxweynaha ayaa billado guddoonsiiyay Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda, kuwaasi oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeyntii la sameeyay sanadkan, isaga oo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ku abaalmariyay hirgelinta hannaanka danabaysan ee la socodka waxqabadka Wasaaradaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyay Xukuumadda dadaalka ay ku bixisay hirgelinta qorsheyaasha dowladda iyo horumarinta adeegyada bulshada, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay la-xisaabtanka hay’adaha iyo howl-wadeennada dowladda, hufnaanta shaqada iyo in si joogto ah loo qiimeeyo natiijooyinka waxqabadka.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa ku booriyay Wasiirrada iyo hay’adaha dowladda in natiijooyinka la gaaray ay noqdaan saldhigga lagu sii xoojinayo waxqabadka, laguna saxayo gaabisyada u baahan dardar galinta, si loo xaqiijiyo in qorshayaasha dowladda ay si muuqata uga tarjumaan baahiyaha iyo danta shacabka Soomaaliyeed.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

RW Xamsa oo amar ku bixiyay in hubka laga xakameeyo waddooyinka Muqdisho.

Axad, 13, Sep 2026 {HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa faray laamaha amniga inay adkeeyaan xakamaynta hubka lagu dhex qaato magaalada Muqdisho,...