Axad 13 Sep 2026 {HMC} Madaxweynaha Iiraan,Masoud Pezeshkian ayaa maanta ka hadlay kulan uu shalay caasimadda Hindiya ee New Delhi kula yeeshay dhaxal-sugaha Abu Dhabi, Khalid bin Mohammed bin Zayed Al Nahyan, kaasoo barbar socday shir madaxeedka BRICS.
“Waxaan wada-hadal yeelanay Dhaxal-sugaha Abu Dhabi, wuxuu noo sheegay hal arrin; Suragal ma tahay wixii horey u dhacay inaan gadal iska dhigno, isla markaana aan dhisno mustaqbal ka wanaagsan?”
“Iiraan waxay doonaysa in isbeddel la sameeyo, cid kasta oo taa sameysa waan heshiin karnaa, waana waxa aan ku heshiinay oo kulan wanaagsan ka dhigay, wadahadalka aan yeelanay Dhaxal-sugaha Abu Dhabi.”

