Madaxweyne Cagjar oo Sheegay Halganka shacabka Soomaalida in aysan cid gaar ah sheegan karin.

Axad 12 Sep 2026 {HMC} Madaxweynaha Dowlad-Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar, ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ee Deegaanka Soomaalidu ay muddo dheer soo mareen halgan isdaba joog ah oo ay ku doonayeen xuquuqaha aasaasiga ah iyo xorriyadda.

Madaxweyne Mustafe ayaa qoraal uu ku baahiyay boggiisa Facebook ku sheegay in kumannaan qof ay naftooda iyo laxaadkooda ku waayeen halgannadii kala duwanaa ee loo galay xuquuqda shacabka, isaga oo xusay in shacabka laftoodu ay ahaayeen kuwa ugu badan ee dhibaatada iyo khasaaraha ka dhashay halgannadaas qaaday.

Madaxweynaha ayaa sheegay in aanay jirin sabab dood looga dhigo in halgannadii shacabka ay sax ahaayeen ama khalad, maadaama sida uu sheegay, urur keliya aanu si gaar ah u wadin halganka, balse shacabka ay qayb weyn ku lahaayeen oo ay khasaaraha ugu badan qaadeen.

Waxa uu sidoo kale dhaliilay shaqsiyaad sheegta inay si gaar ah ugu suntan yihiin halgankii shacabka, isaga oo sheegay in dad badan oo aan wax urur ah ka tirsanayn ay ku waayeen eheladooda halgannadii hubaysnaa.

“Waa qalad markaa in ashqaas hoggaamin urur sheeganaysa ay sheegato inay iyagu si gaar ah ugu suntan yihiin halgankii ummadda,” ayuu yidhi Madaxweyne Mustafe, isaga oo hadalkiisa loo fasiran karo in uu la hadlayo madaxda Jabhada ONLF, garabka dibad jooga ah.

Waxa uu su’aal ka keenay sida, sida uu hadalka u dhigay, qaar ka mid ah dadka sheegta inay halganka metelaan ay ugu doodi karaan inay ka sarreeyaan qoysas xubnohoodii ku waayay halgannadii hore, isaga oo tusaale u soo qaatay dad uu sheegay inay qurbaha ku haystaan carruurtooda, isla markaana dhaqaale lagu ururiyo magaca halganka ku maareeyaan noloshooda.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in halgan kasta ay ku jiraan dad uu ku tilmaamay geesiyaal si dhab ah uga qayb qaatay, iyo kuwo uu ku eedeeyay inay magaca halganka uga faa’iidaystaan dano gaar ah.

Isaga oo si gaar ah u dhaliilaya kooxo uu sheegay inay shacabka ku maaweeliyaan “sheeko-xariir”, ayuu ku eedeeyay qaar ka mid ah dadkaas inay hadda taageerayaan ama doonayaan isbahaysi ay la sameeyaan dhinacyo uu sheegay inay hore u dhibaateeyeen shacabka.

“Halganka dhabta ah uma baahna aflagaado iyo been-abuur. Wuxuu u baahan yahay xeelad iyo xikmad,” ayuu qoraalkiisa ku soo gabagabeeyay Madaxweynaha Dowlad-Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Abiy Axmed oo ah hoggaamiyaha keliya ee ka socda Geeska Afrika oo qayb ka ah shir madaxeedka isbahaysiga ay hoggaamiyaan dalalka Bariga ee BRICS...

Axad 12 Sep 2026 {HMC} Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa ah hoggaamiyaha keliya ee ka socda Geeska Afrika oo qayb ka ah shir...