8 Qof oo u Badan Carruur oo ku Dhaawacmay Weerar Diyaarad Drone ah oo RSF ka Geysatay Khartuum.

Jimco 11, Sab 2026 {HMC} Siddeed qof oo u badan carruur ayaa Khamiistii ku dhaawacmay weerar diyaarad drone ah oo Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF) ay ku qaadeen deegaan ka tirsan caasimadda Suudaan ee Khartuum, sida ay sheegeen mas’uuliyiin maxalli ah.

Bayaan ay soo saareen mas’uuliyiinta gobolka Khartuum ayaa lagu sheegay in Ku-simaha Guddoomiyaha Axmed Al-Mustafa Cali uu Isbitaalka dawladda ee Al-Naw ku booqday dadka dhaawacmay, kaddib weerarkii subaxnimadii lagu qaaday deegaanka Al-Fath ee galbeedka Omdurman. “Tirada dhaawaca ayaa gaartay siddeed qof, kuwaas oo intooda badan ay yihiin carruur, waxaana lagu daweynayaa isbitaalka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Al-Mustafa ayaa cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay in RSF ay bartilmaameedsatay dad rayid ah oo aan hubeysneyn. Horaantii Khamiistii, difaaca cirka ee ciidanka Suudaan ayaa ka jawaabay weerar diyaarado drone ah oo lagu bartilmaameedsaday caasimadda Khartuum, sida ay goobjoogayaal u sheegeen Anadolu. Mas’uuliyiinta Suudaan iyo ururrada xuquuqda aadanaha ayaa marar badan RSF ku eedeeyay inay bartilmaameedsato xarumaha rayidka, halka kooxdu guud ahaan aysan ka hadlin eedeymahaas, iyadoo sheegta inay ka shaqeyso ilaalinta rayidka.

Qaramada Midoobay ayaa 24-kii Agoosto sheegtay in 1,100 oo rayid ah lagu dilay weerarro diyaaradaha drone-ka ah oo ka dhacay Suudaan intii u dhexeysay Janaayo iyo Juun ee sannadkan.

RSF iyo ciidanka Suudaan ayaa dagaallamaya tan iyo Abriil 2023, sababo la xiriira khilaaf ku saabsan ku biirinta RSF ciidamada qalabka sida, waxaana dagaalku sababay mid ka mid ah xaaladaha bani’aadannimo ee ugu daran dunida, iyadoo tobannaan kun oo qof la dilay, ku dhowaad 13 milyan oo kalena ay barakaceen.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Madaxweyne Xasan Shiikh oo muqdisho kula Kulmay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka Islaamka.

Jimco 11, Sab 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka...