Khamiis 10, Sab 2026 {HMC} Baab Al-Mandeb: Marin-biyoodka afraad ee ugu weyn adduunka ee ay maraan maraakiibta shidaalka iyo agabka kale ee ganacsiga ee isaga kala goosha Qaaradaha Aasiya, Yurub, iyo Ameerika, waxa ka gudba in ka badan 12% ganacsiga caalamka oo leh malaayiin foosto oo shidaal ah & gaaska dabiiciga ah.
▪︎Goobta uu ku yaallo darteed; waa albaabka laga galo Kanaalka Suez & Gacanka Cadmeed, haddii uu xidhmo, maraakiibtu ma gudbi karaan, taas oo joojinaysa inta badan ganacsiga u dhexeeya Yurub, Aasiya & Afrika, waxa maraakiibtu ku khasbanaanaysaa in ay ku wareegaan qaaradda Afrika (Koofurta Afrika), taas oo kor u qaada kharashka iyo waqtiga.
▪︎Marka laga yimaaddo ganacsiga; waxa uu leeyahay saameyn amni, maadaama uu saaran yahay Badda-cas & Jabbuuti, halkaas oo ay saldhigyo ku leeyihiin dalalka Mareykanka, Shiinaha & Reer Yurub oo qayb ka ah dagaalka Iiraan oo daba tagaan Xuutiga yimi Baab Al-Mandeb.
Dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay waxa ay sheegtey in Iiraan ay raadineyso in ay siiso Xuutiyiinta awood ay saameyn ugu yeeshaan marin biyoodka Bab al-Mandeb iyo Badda-cas.
“Khatarta kasta oo ku wajahan Bab al-Mandeb waxay si toos ah ugu fidsan tahay Badda Cas, Kanaalka Suez, iyo ganacsiga adduunka.” — Guddoomiyaha Golaha-sare ee Yemen isaga oo raaciyey; “Ilaalinta xeebaha Yemen iyo soo celinta maamulka dowladda ee dhulkeeda iyo marin biyoodkeeda waa; dan caalami ah oo la wadaago.

