Isniin 10 Aog 2026 {HMC} Dowladda Uganda ayaa magaalada Kampala ka furtay shir muhiim ah oo ay isugu yimaadeen madaxda militariga iyo saraakiisha sare ee dalalka ku mideysan Ciidanka Heeganka Bariga Afrika (EASF), iyadoo ajandaha kulanka uu si weyn ugu xiran yahay isbeddelka ku socda howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo mustaqbalka howlgalada nabad-ilaalinta ee qaaradda.
Shirkan oo ah kulanka 36-aad ee caadiga ah ee hay’adaha siyaasadda EASF ayaa ka dhacaya xilli walaac laga qabo hoos u dhaca maalgelinta iyo taageerada caalamiga ah ee howlgalada amniga, gaar ahaan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ee Soomaaliya.
Waddamada ka qeybgalaya kulanka waxaa ka mid ah Uganda, Burundi, Comoros, Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Rwanda, Soomaaliya iyo Suudaan, iyadoo madaxda milatariga iyo saraakiisha rayidka ah ay ka wada hadlayaan sidii dalalka Afrika ay u xoojin lahaayeen awooddooda amni iyo inay si madax-bannaan uga jawaabi karaan xaaladaha degdegga ah.
Kulanka ayaa daba socda tababar iyo qiimeyn ciidan oo EASF ay Uganda ku sameysay intii u dhexeysay 6-da iyo 8-da Agoosto, kaas oo lagu tijaabiyay diyaar-garowga ciidamada Uganda ee loo qorsheeyay howlgalada gobolka iyo kuwa qaaradda.
Qiimeynta ayaa ka dhacday xarumaha tababarka iyo ciidamada Uganda ee Singo iyo Jinja, waxaana lagu eegay awoodda ciidamada, booliska iyo shaqaalaha rayidka ah ee loo diyaariyay in lagu daro Ciidanka Heeganka Bariga Afrika.
Sida qorshaha EASF dhigayo, ciidamada loo diyaariyay howlgalada waa inay awoodaan inay si guud uga howlgalaan qaaradda muddo aan ka badneyn 90 maalmood, halka xaaladaha degdegga ah ee u baahan jawaab degdeg ah loo qorsheeyay in ciidamada lagu hawlgeliyo muddo gaaban oo gaaraysa 14 maalmood.
Taliyaha Ciidanka Uganda ee Hawlgallada Wadajirka ah, Sareeye Gaas Jack Bakasumba, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Afrika ay yeelato awood amni oo ay iyadu leedahay, isaga oo xusay baahida loo qabo in la sii wado dadaallada amni ee Soomaaliya xilli isbeddel lagu sameynayo howlgalka AUSSOM.
Uganda ayaa muddo dheer kamid ahayd waddamada ugu waaweyn ee ciidamo ku leh howlgalada Midowga Afrika ee Soomaaliya, halka Kenya ay sidoo kale ciidamo iyo awood ciidan oo muhiim ah ku leedahay koonfurta Soomaaliya.
Shirka Kampala ayaa sidaas darteed muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya, maadaama isbeddel kasta oo ku yimaada taageerada caalamiga ah iyo qaab-dhismeedka howlgalada Afrika uu si toos ah u saameyn karo xaaladda amni ee dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Mas’uuliyiinta EASF ayaa sidoo kale sheegay in ururku doonayo inuu ka gudbo qorsheyn iyo diyaargarow oo keliya, una gudbo awood ciidan oo si dhab ah oo degdeg ah uga jawaabi karta colaadaha iyo xaaladaha amni ee ka dhaca qaaradda.
Shirka Kampala ayaa kusoo beegmaya xilli mustaqbalka AUSSOM uu wajahayo su’aalo la xiriira maalgelinta, saadka iyo awoodda ciidamada Afrika, taasoo ka dhigaysa diyaar-garowga Ciidanka Heeganka Bariga Afrika mid muhiim u noqon kara qorshayaasha amniga gobolka iyo gaar ahaan Soomaaliya.

