Madaxweyne Erdogan oo booqasho Deg deg ah Berri ku tagi doona Dalka Sacuudiga.

Khamiis 6, Aug 2026 {HMC}  Madaxweynaha Turkiga,Recep Tayyip Erdogan ayaa booqasho hal maalin ah berri ku tagi doona Sacuudiga, halkaas oo uu kulan saddex geesood ah kula yeelanayo Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan iyo Ra’iisul Wasaaraha Pakistan,Shehbaz Sharif oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Pakistan, Jen. Asim Munirz, sida ay werisay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu.

Kulanka ayaa diiradda lagu saari doonaa amniga gobolka, khataraha badda, dagaalka Iiraan iyo iskaashiga dhinaca difaaca.

Booqashadan waxay ku soo beegmaysaa xilli Sacuudigu uu dhisayo isbahaysi difaaca badda ah oo lagu ilaalinayo marinnada muhiimka ah ee Badda Cas, Bab al-Mandab iyo Gacanka Cadmeed, iyadoo ay jiraan hanjabaado ka imaanaya Xuutiyiinta Yemen.
Turkiga iyo Pakistan ayaa ka mid ahaa 14 dal oo taageeray hindisahaas.

Saddexda dal, oo ay weheliso Masar, ayaa sidoo kale xoojinaya iskaashi loo yaqaan R-4, kaas oo looga gol leeyahay isku-dubaridka arrimaha amniga, diblomaasiyadda iyo saameynta dagaalka Iiraan.

Iskaashigan cusub wuxuu Turkiga siinayaa fursad uu ku kordhiyo saameyntiisa Bariga Dhexe, halka Sacuudiga iyo Pakistan ay ka helayaan iskaashi amni iyo difaac oo dheeraad ah, xilli Turkiga uu iskudayayo in la ballaariyo iskaashiga difaaca wadajirka ah ee u dhaxeeya Sacuudiga iyo Pakistan.

Xiriirka Ankara iyo Riyadh ayaa si weyn u kobcay sannadihii u dambeeyay, gaar ahaan dhinaca warshadaha difaaca, kadib heshiisyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Baykar, wax-soo-saarka tiknoolajiyadda milatari iyo wada-hadallada ku saabsan diyaaradda dagaalka jiilka shanaad ee Turkiga ee KAAN.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Somali Airlines oo Bilaabeyso duulimaadkeeda ugu horreeya Bisha soo socoto.

Axad 16 Aug 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines ay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameyn doonto bisha...