Dagaal culus oo ka qarxay magaalada Gaalkacyo, hub culus iyo madaafiic la isku adeegsanayo.

Arbaco 5 August 2026 {HMC} Dagaal culus ayaa maanta ka qarxay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, iyadoo la soo sheegayo in iska horimaadku u dhexeeyo ciidamada Puntland iyo ciidamada PSF, oo hore u shaaciyay inay la safteen Dowladda Federaalka Soomaaliya. SomaliaNews Coverage

Sida ay sheegeen goobjoogayaal, rasaas culus iyo madaafiic ayaa laga maqlayaa qaybo ka mid ah magaalada, gaar ahaan aagga bari ee Gaalkacyo, halkaas oo ay ku yaallaan xarumo ciidan.

Wararka hordhaca ah ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada Puntland ay weerar ku qaadeen xero ay ku sugnaayeen ciidamada PSF oo ku dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in labada dhinac ay isweydaarsanayaan madaafiic, iyadoo warar aan weli si madax-bannaan loo xaqiijin ay tilmaamayaan in qaar ka mid ah madaafiicdu ay ku dhaceen guryo ay deggen yihiin dad rayid ah.

Ilaa iyo hadda lama hayo tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalka, maadaama uu weli socdo.

Dagaalkan ayaa imanaya xilli ay sare u kacday xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee gobolka Mudug.

Dowladda Puntland ayaa hore ugu eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ciidamo iyo hub u dirtay deegaannada ay maamusho, gaar ahaan waqooyiga Gaalkacyo, isla markaana ay saldhigyo ciidan ka sameysatay magaalada iyada oo aan lagala tashan maamulka Puntland. SomaliaNews Coverage

Puntland waxay sheegtay in tallaabooyinkaas ay jebinayaan heshiisyo hore oo ku saabsanaa wadaagga amniga iyo maamulka gobolka Mudug, isla markaana ay abuuri karaan xaalad amni oo sii xumaanaysa.

Ilaa iyo hadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka PSF si rasmi ah ugama aysan hadlin dagaalka socda iyo eedeymaha ay Puntland u jeedisay.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Somali Airlines oo Bilaabeyso duulimaadkeeda ugu horreeya Bisha soo socoto.

Axad 16 Aug 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines ay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameyn doonto bisha...